|
Moqdisho,(insidesomalia.org)-Khilaafkaan soo kala dhexgalay Madaxda Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa uu ahaa mid soo jiitamayay mudo dheer waxaase uu soo ifbaxay markii Ra’iisul wasaare Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cadde) uu ku dhawaaqay in xilikii laga xayuubiyay gudoomiyihii gobalka Banaadir Max'ed Cumar Xabeeb(Max'ed Dheere)
Waxyaabaha ugu waayan ee ay isku hayaan madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul wasaare Nuur Cadde ayaa waxaa ka mid ah arimaha dib u heshiisiinta oo ay ku kal aragti duawnyihin taas oo ka mid ah waxyaabaha loo aanay nayo in uu Nuur Cadde u doortay in uu xilka ka xayuubiyo Max'ed Dheere
Warar ku dhaw dhaw Raiisul wasaare Nuur Cadde ayaa sheegaya in uu sidoo kale qorshaynayo in uu xilka ka qado rag kale oo uu u arko in ay caqabad ku yihiin hawlihiisa dhinaca dib u heshiisiinta balse aanu fikirkaas qaban Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf oo ay la tahay raga miiska saaran in ay muhiim u yihin ladagaalanka dadka mucaaradka ku ah
Waxaa jira dhawr qorshe oo ka dhan ah Raiisul wasaare Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cadde) kuwaa oo la qorshaynayo in xilka lagaga qaado iyadoo loo marayo dhinaca baarlamaanka loona adeegsanyo waxyaabo ay dad badan u arkaan in aanay runtu ahayn sida dhunsi dhaqaale taas oo ahayd caqabad caadiyan haysatay DF oo anay mardha ku guulaysan samaynta habshirciyeed dhaqaale oo shaqeeya mudadii ay jirtay
Raiisul wasaare Nuur Cadde ayaa dad badan ay u arkan in uu yahay ninka kaliya ee muujiyay dabacsanan siyaadeed taas oo keentay in uu kasbado taageero badan dhinaca beesha caalamka ah iyo dad badan oo somaliyeed,hase yaashee taa ayaa sal u ah waxyaabaha u soo jiiday Nuur Cadde Qatar dhinaca siyaasada ah oo hada soo food saartay
Waxaan cadayn aragtida qilaafkaan ee ku aadan dhinaca Ethiopia oo ah dalka u suurta galiyay dowlada KMG in ay soo cagadhigato magaalada muqdisho waxaase la aaminsanyahay in ay tahay gacanta kaliya ee marka xaalku uu murgo soo afmeeri karta kalana goyn garta sax iyo qaladba.
Khilaafka soo kala dhaxgalay madaxda dowlada KMG ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili iyana kala jaheysteen Madaxda isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya, taasoo ah Caqabad soo wajahday hanaanka dib u hishiishiisiinta Soomaaliya oo uu ku furmay khilaaf hor leh oo soo kala dhaxgalay siyaasiyiintii markii hore isku dhinaca ahaa
Waxaa la sugayaa halka uu ku danbayn doono qilaafka madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf iyo Raiisul wasaare Nuur Cadde ma halkii pro. Geedi ayuu mari mise xaalka si kale ayuu noqon?.
|